Beello kasoo jeedo Galgaduud iyo Hiiraan oo u heshiiyay Al-Shabaab

0

MAXAAS (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan abaabulkii ugu dambeeyay iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan aagga degmada Maxaas ee gobolkaasi.

 

Shirweyne ka dhacay deegaanka Waradhuumaleh ayaa waxaa heshiis ku gaaray beelo ka soo jeedo gobollada Galgaduud iyo Hiiraan, si ay isaga kaashaadaan ka dagaallanka Al-Shabaab

Ujeedka ayaa ah in si wadajir ah ay beeluhu u galaan dagaalka ka socda labada gobol, si looga saaro Al-Shabaab.

Heshiiskan waxaa goobjoog ahaa guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan, Xildhibaano uu kamid yahay Maxamed Abuukar Jacfar iyo mas’uuliyiin kale.

Galgaduud iyo Hiiraan ayaa kamid ah gobollada ay sida xooga leh uga socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu ujeedku yahay in laga saaro Galmudug iyo HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here