Jubbaland oo laga dareemay saan-saanta xaaladda El Niino

0

KISMAAYO (SMN) – Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland ayaa soo saartay digniin cusub oo la xiriirta roobabka duufaanta iyo dabaylaha wata ee El Niino.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Maxamed Cusmaan Jeemis ayaa  sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la dareemay saan-saanta El Niino.

Roobab dabaylo wata oo maanta ka da’ay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayuu sheegay Wasiir ku xigeenku inay sii kordhiyeen cabsida laga qabo El Niino.

Kismaayo ayaa kamid ah goobaha la filayo inay ka da’aan roobab lixaad leh, waxayna Wasaaraddu dadka ugu baaqday inay ka fogaadaan, Webiyada, Togagga iyo goobaha biyuhu isugu yimaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here