MUQDISHO (SMN) – Digniin iyo Tala bixin ku aadan Fatahaaddo la filayo in ay dhacaan asbuuca (23 – 29 Apr)-2024.
➤ Todobadda casho ee soo socota oo ah asbuuca ugu danbeya bisha Abriil 2024ka waxaa aad u sareeya suurta-galnimada in ay ka dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada, kuwaas oo aadka u saameeyndoona qaar ka mid ah degmooyinka dalka Sida; Jowhar, Baletweyn, Bulaburde, Luuq, Dolow iyo qaarkale oo wabigu uusan marin.
➤ Degmooyin ka mid ah gobolada: Bay, Bakool, Galguduud, Gedo iyo Jubada-Hoose ayaa waxaa aad u sareeysa suurtagalnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyndoonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas.
➤ Degmooyinka kor ku xusan waxay wajihi doonaan khataro ka imankarta Fatahaada webiyada iyo daadadka ay togagu soo rogaan.
➤ Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Juba taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia.
??’???? ????? Hay’adda SoDMA oo Horay u soo saartay ?????????? ?? ??????? ?????-?????????? Saadaasha Roobab ka iyo digniino sanadkii tagay ee 2023 roobabkii ma hiigaanka ahaa oo dalka ka da’ay kuwaas oo geeystay Daadad iyo Fatahaada Elnino , ayaa mar kale Bulshada Soomaaliyeed u direeysay ???????? ??? ???????? si loogu feejignaado saameynta roobka Guga ku yeelan karo nafta iyo Hantida shacabka Soomaaliyeed.





