Ciidamada DF oo qabtay nin ajnabi ah oo ka tirsan Al-Shabaab + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta nolosha ku qabtay nin ka tirsan Al-Shabaab oo u dhashay qowmiyadda Oromada ee Itoobiya, kaas oo jirkiisa ay ku qoran tahay caalamadda Tattoo.

 

Howlgalka lagu qabtay ninkan ayaa ka dhacay deegaanka Beerayabaal oo hoostaga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen howlgallo jab culus lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in ninkan ay ku wareejin doonaa hay’adaha ku shaqada leh, si sharciga loo horgeeyo.

Hiiraan oo dhaca bartahama Soomaaliya ayaa waxaa mar kale dib uga billowday howgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo lagu xoreeyay deegaano dhowr ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here