LUUQ (SMN) – Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Booliska ayaa maanta howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay inta u dhexeysa deegaanka Shaataloow iyo degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Howlgalka inta uu socday ayay ciidanka waxa ay jab xoogan ku gaarsiiyseen xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaasi.
Ciidamada ayaa waxaa hoggaaminayay Abaanduulaha qeybta 43aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Gaashaanle Sare Cabdirashiid Maxamed Cismaan, Taliyaha Guutada 10-aad qeybta 43-aad ee gobolka Gedo, Gashaanle dhaxe Aadan Siyaad Cabdi, Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Gobolka, Gaashaanle Sare Xuseen Cali Xaashi Giif.
Sidoo kale Ciidamada ayaa hormar ballaaran ka sameeyay dagaalka ay la galeen Al-Shabaab, waxayna cagta mariyeen fariisimo ay lu lahayeen halkaasi.