Xisbiga Himilo Qaran oo war culus kasoo saaray hubkii lagu boobay Caabudwaaq

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha soo kordhahay, gaar ahaan hubkii sharci darrada ahaa ee lagu boobay waqooyiga gobolka Galgaduud.

 

Himilo Qaran ayaa walaac xoogan ka muujisay qulqulka hubka sharci darada ah iyo sidoo kale dagaallada sokeeye ee kasoo cusboonaaday gobollo badan oo kamid ah dalka

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aad uga walaacsanyahay hubka ku soo qulqulaya dalka iyo colaadaha sokeeye ee ka soo cusboonaaday inta badan deegaanada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xisbigu wuxuu aaminsanyahay masuuliyad darro wayn inay tahay hubka tahriibka ah ee sida dhuumashada ah lagu soo gelinayo dalka, mas’uuliyad darrada iyo dhibaatada ka dhalatay hubkaas ee dhimasho, dhaawacba iyo khilaaf dadka deegaankaba leh waxaa iska leh Madaxda dowladda Federaalka.

Iyadoo la wada ogsoonyahay in si sharci ah Soomaaliya looga qaaday cunaqabatayntii hubka, ayaa waxaan maangal ahayn in si dhuumasho ah looga soo tallaabiyo xuduudaha Dalka hub baaxadaas le’eg qaab aan sharciyada hubka waafaqsanayn. Xisbigu wuxuu aaminsayahay in hubkaan laga lahaa dano gaar ah oo lagu wax yeelaynayo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan siyaasiyiinta dowlad Goboleedyada ka aragtida duwan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ayaan darro u arkaa in dowladdu ka dhuumato masuuliyadii amni ee dalka ka saarnayd waxaana tusaale u ah: qoraalada marin habaabinta ah ee ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka iyo wasaaradda Amniga. Xisbiga iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed waxay dowladda Soomaaliya uga fadhiyaan inay u caddeeyaan ganacsata ay sheegeen inay hubka lahayd.

Xisbigu wuxuu u arkaa in arrinta tahriibinta hubka uu carqalad ku noqon karo ka faa’ideysiga xayiraaddii hubka ee dhawaan Soomaaliya laga qaaday. Xisbigu wuxuu kaloo welwel ballaaran ka qabaa in hubkaasi si sahlan uu u geli karo gacanta argagixisada, taasoo haddii ay dhacdo ay masuuliyaddeeda qaadayso madaxda dowladda Federaalka Soomaliya. Xisbigu wuxuu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay kula xisaabtamaan madaxda Dowladda Federaalka iyo hay’adaha amniga masuuliyada darrada iyo gabood falka amni ee ay ku kaceen.

Ugu dambeyn, Xisbigu wuxuu usoo jeedinayaa Dowladaha dariska ah inay dhinacooda ka ilaaliyaan qulqulka hubka tahriibta ah ee soo galaya Dalka Soomaaliya kaasoo khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo midka geeska Afrikaba.

= DHAMMAAD =

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here