DF Soomaaliya oo shaacisay inay howlgal ku dishay 30 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah-faahiyay howlgal culus oo maanta cidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen deegaanka Qaycad ee koofurta gobalka Mudug.

 

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay 30 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sar sare, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in howlgalkan lagu dhaawacay 40 kale oo ay dowladdu sheegtay in la geeyay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

MUQDISHO 19, October 2024: Ilaa 30 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay tiro intaasi ka badana waa ku dhaawacmeen howlgal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobalka Mudug.

Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Horjoogayaal dhiigyo-cab ah iyo maleeshiyaad badan oo ay wateen, kadib markii la helay xogtooda, waxaana ka mid ah horjoogayaasha nafta la dhaafiyay:-

1-Horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo Khawaarijtu ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug.

2-Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Khawaarijtu u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug.

In ka badan 40 Khawaarij ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkaan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin meel ay kula tacaalaan xaaladooda.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyeen Koofurta Gobalka Mudug ayaa gabi ahaanba waxaa lagu bur-buriyay Godad iyo Fariisimo muddo dheer Khawaarijtu isku qarinayeen.

-Dhammad-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here