DF Soomaaliya oo Turkiga kala wareegtay markab sida shixnad gargaar ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Munaasbad kooban oo ka dhacday Dakedda weyn ee Muqdisho, ayaa maanta DFS waxa ay kula wareegtay Markab weyn oo sida shixnad gargaar ah oo dowladda Turkiga ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed ee talabaalaysan.

 

Gargaarkaan ayaa ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, Teendhooyin iyo waxyaabo kale oo aas-aasi u ah nolasha, kuwaas oo dhan 3,000 oo tan.

Gargarkaan waxaa la wareegay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Saalax Axmed Jaamac oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, waxaana sidoo kale xafladaan qeyb ka ahaa safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’addaha gargaarka biniaadannimo u qaabilsan Turkiga.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here