ADDIS ABABA [SMN] – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Meeratada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Labada dal, iyadoo la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.
Madaxweynaha ayaa dil istaagay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida.
Dhinaca kale Waxaa jiray qodobo Xasaasi ah oo ay labadda masuul kanwada hadleen balse an loo soo bandhigin Warbiihinta.
Xogta kulankaasi ayaa sheegaysa in labadda Masuul ay sidokle kulankooda diiradda ku saareen sida Ciidamadda soomaaliya loo gayn lahaa xaduuudaha ay ku suganyihiin Ciidamadda Itoobiya sida Bay, Bakool, Gedo.
Laakiin Abiy Axmed ayaa Wali ku adkaysanaya in Ciidamo Soomaali ah an la gayn Goobhaaasi balse halkaasi ay joogayaan kaliya Ciidaadaasi itoobiya Waaxana Go’an marka la fiiriyo uu abiy ku taaganyahay tan iyo Dib u doorashadii Xasan Waana Go’an markaad fiiriso Dowladda itoobiya ay ku doonayso In Ciidmaadda qarankan ay Kaga ilaaliso tagi taankooda Xaduudka ay itoobiya ay la leedahay Soomaaliya.