Dagaal Xoogan oo ka Dhacay Deegaanka Nuurdugle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

0

JOWHAR, Soomaaliya – Faafaahin ayaa kasoo baxaysa dagaal xooggan oo ka dhacay deegaanka Nuurdugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe saacadahii lasoo dhaafay.

 

Al-Shabaab ayaa xalay weerar xooggan ku qaaday deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaraar oo ay lagaleen ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya macaawislayda deegaanka.

Dagaalka ayaa sababay qasaare kala duwan oo soo gaaray labada dhinac, hase yeeshee tirada saxda ah ee khasaaraha ayaa weli aan si rasmi ah loo ogaan.

Ciidamada milatariga ee deegaanka ku sugan ayaa xaqiijiyay inay iska caabiyeen weerarkii al-Shabaab, isla markaana gacanta ku hayaan deegaanka, iyadoo xaaladdu ay hadda degan tahay.

Taliye Cali Maxamed Jimcaale, oo ka tirsan saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan deegaanka, ayaa sheegay in al-Shabaab ay ku hawlanayeen weerar cusub oo ay ku qaadaan deegaanka Nuurdugle, balse ciidamada ayaa si xooggan uga hortagay, iyagoo al-Shabaab ku gaarsiiiyay jab weyn.

Taliye Jimcaale ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka intii uu socday ay dileen tiro ka mid ah xubnaha al-Shabaab ee soo weeraray, isagoo aan shaacin tirada rasmiga ah illaa hadda.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada xoogga dalka, oo helaya taageero ka timaadda macaawislayda deegaanka, ay ku guuleysteen inay ka saaraan al-Shabaab deegaano kale oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan deggan, iyadoo ciidamada dowladda ay wadaan dadaallo lagu xaqiijinayo ammaanka iyo ka hortagga weerarrada xiga ee kooxda al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here