Madaxweynaha oo Isbitaal ku booqday xubno katirsan Macwiisleyda oo dhaawac ah

0

Muqdisho, May 19, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Demartino si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee geesiyaasha Macawisleyda ee ku soo dhaawacmay jiidda hore ee dagaalka lagula jiro Kahwaarijta.

 

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada halyeeyadan, isagoo carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelkooda caafimaad, kana go’an tahay inay bixiso dhammaan taageerada ay u baahan yihiin.

“Waxaad tihiin difaaca dadka, diinta, dalka iyo dowladnimada. Taariikhda ayaad baal dahab ah ka gasheen. Dowladda Soomaaliyeed mar walba way idin garab taagan tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Intaa kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Demartino, isagoo warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalka oo soo bandhigay adeegyada dadwayne ee uu Isbitaalku hadda bixiyo, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan mustaqbalka.

Madaxwaynaha waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar.

May be an image of 3 people, clothes iron and hospitalMay be an image of 2 people, hospital and textMay be an image of 4 people, people studying, television, table and newsroomMay be an image of 6 people, people studying and televisionMay be an image of 3 people and hospitalMay be an image of 6 people, hospital, dais and text

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here