Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Moallim Fiqi, ayaa la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Isku-dhafan ee Afrika Bari (JSOTF-EA), Koloneel Ed Norris oo xilka ka taga.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay Koloneel Norris wada shaqeynta dhow iyo taageerada joogtada ah ee uu siiyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan tababarka iyo hawlgallada cutubyada gaarka ah.
Axmed Moallim Fiqi ayaa u rajeeyay Koloneel Norris guul iyo horumar hawlaha cusub ee uu qaban doono mustaqbalka, isagoo ku amaanay kaalintii uu ka qaatay sugidda amniga iyo xasiloonida gobolka intii uu xilka hayay.
Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa iskaashi dhow ku leh dhinaca ammaanka, iyadoo Maraykanku ka taageero howlgalada lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo dhismaha awooda ciidamada Soomaaliya.



