Komandooska Gorgor oo la wareegay deegaano muhiim ah oo ka tirsan Shabeellaha Hoose

0

Shabeellaha Hoose – Ururka 192-aad ee Guutada 19-aad ee Ciidanka Komandooska Gorgor ayaa maanta si buuxda ula wareegay deegaanada Macalinka, Baladul Amiin, Cumar Beere, iyo Balow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo horey ay u haysteen kooxda Al-Shabaab.

 

Howlgalkan qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu guuleystay in si nabad ah looga saaro Al-Shabaab deegaanadan, iyada oo ciidamadu ay si degdeg ah u bilaabeen sugidda amniga iyo baarista goobihii laga saaray kooxda.

Ciidamada ayaa intii uu howlgalka socday ka soo saaray miinooyin culus oo ay Al-Shabaab uga tageen gudaha tuulooyinka la xoreeyay, taas oo khatar weyn ku ahayd nolosha dadka deegaanka.

Waxaa sidoo kale la sameeyay hubin amni si loo xaqiijiyo in aysan jirin wax khatar ah.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in guushan ay qeyb ka tahay wejiga cusub ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan howlgalka ilaa laga xoreeyo dhammaan meelaha ay kooxdaasi weli ku dhuumaaleysanayso.

Howlgalka maanta ayaa tusaale u ah dadaalka joogtada ah ee Ciidamada Gorgor iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka ay ugu jiraan inay ka adkaadaan Al-Shabaab iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here