BOOSAASO – Ciidamada maamulka Puntland ayaa bilooyinkii u dambeeyay dagaal culus kula jiray kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Cali Miskaad oo ahayd xuduntii ugu weyn ee kooxdaasi ku lahayd gudaha Soomaaliya.
Hawlgaladaasi ayaa la tilmaamayaa in lagu gaaray guulo la taaban karo, iyadoo ciidamada Puntland ay laayeen tiro badan oo ka tirsan Daacish isla markaana ay la wareegeen deegaano istaraatiiji ah oo horey gacanta ugu jirey kooxda.
War rasmi ah oo kasoo baxay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Birmadka (BMB) ayaa lagu sheegay in 72-dii saac ee ugu dambeysay ay fuliyeen hawlgallo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Daacish.
Warka ayaa lagu xusay in gulufyadan ay ciidamada Puntland ku dileen xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Daacish, islamarkaana ay la wareegeen fariisimo muhiim ah oo ay ku jirto deegaanka Ceelka Idakacab oo ku yaalla tog weynaha Baallade, gobolka Bari.
Qoraalka rasmiga ah ee kasoo baxay ciidamada Puntland ayaa lagu yiri:
Baallade; 26-27 August, 2025:
“Gulufyo guuleystay oo Ciidamada Difaaca Puntland ay ku ekeeyeen muddo 72 saacadood ah kooxda Daacish ayay kulaayeen xubno badan oo katirsan kooxda, waxayna kala wareegeen fadhiisimo cusub, oo uu ka mid yahay Ceelka Idakacab ee tog weynaha Baallade.”
Ciidamada Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waday hawlgalladii ugu dambeeyay ee lagu burburinayo kooxdan, kuwaas oo hadda lagu beegsanayo goobaha yar ee ay kaga sugan yihiin buuraleyda fog ee gobolka Bari.
Guulaha ay ciidamada Puntland ka gaarayaan dagaalka ka dhanka ah Daacish waxay muujinayaan isbedel weyn oo ku yimid sugidda amniga gudaha gobollada waqooyi-bari ee Soomaaliya. Hawlgallada socda waxay muhim u yihiin adkeynta nabadda iyo xasilloonida Puntland.




