New York – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaciyay in aysan jirin wax muddo kororsi ah oo uu damacsan yahay, isagoo si adag u difaacay hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo qorshaha dalka loogu gudbinayo doorasho hal qof iyo hal cod ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si buuxda uga go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, taas oo uu ku tilmaamay mid lama huraan u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Wuxuu xusay in guddiga doorashooyinka qaranka oo madax-bannaan uu yahay hay’adda kaliya ee leh awoodda jadwal u dejinta doorashooyinka ama codsashada dib-u-dhac haddii ay duruufuhu keenaan.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in isbeddelka dastuurka lagu wado uu u maray hannaan sharci ah, iyadoo la sameeyay guddi madax-bannaan oo baarlamaanku ansixiyay. Wuxuu sheegay in baarlamaanka Federaalka uu sharci ahaan u leeyahay inuu wax ka beddelo heshiisyadii horey loogu gaaray hannaanka siyaasadeed, xitaa haddii ay jiraan dowlad-goboleedyo ka soo horjeeda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mucaaradka qaar ay horey u ballanqaadeen dhammeystirka dastuurka iyo hirgelinta doorasho dadban oo xor iyo xalaal ah, balse hadda ay kasoo horjeedaan isbeddelka ay iyagu horey u taageeri jireen.
Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa dhaliilay habka loo maray dib-u-eegista dastuurka, iyagoo ku eedeeyay dowladda dhexe in aysan ku saleynin wada-tashi ballaaran. Balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay wada-hadal, isla markaana ay horey u aqbashay qodobo ay mucaaradku soo jeediyeen.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay xiriirka dowladda dhexe kala dhaxeeya dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, isagoo sheegay in inkasta oo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed, aysan jirin wax xiriir ah oo si buuxda u burburay. Wuxuu xusay in Soomaaliya tahay hal dal, lana baahan yahay in khilaafaadka lagu xaliyo si qaranimo ku dheehan tahay.
Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid iyadoo uu magaalada New York kulammo kula leeyahay mas’uuliyiin sare oo Mareykan ah, xilli uu ka qeyb galayo kalfadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Kulamadan ayuu Madaxweynaha kaga hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka, iskaashiga amniga, iyo taageerada Mareykanka ee geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
Waxaa la xaqiijiyay inuu la kulmay Allison Hooker, Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Massad Boulos, La-taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweynihii hore Donald Trump, iyo Vincent Spera, Ku-xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika ee Mareykanka.




