Faah-faahinta weerar qarax loo adeegsaday oo ka dhacay Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qarax loo adeegsaday oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka HirShabelle.

 

Weerarka oo ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxa ay bam-gacmeed ku tuureen guri ku yaalla xaafadda Hanti-wadaag ee magaaladaasi, waxaana kasoo baxaya warar kal duwan.

Idaacadda Shabelle oo u kuurgashay dhacdadan ayaa ogaatay in guriga la weeraray ay daganeyd Hamdi Hassan Ibrahim oo ah xoghayaha guddoomiyaha koowaad ee Baarlamaanka HirShabelle, waxaana soo gaaray dhaawac fudud.

Hamdi oo aan ku wareysanay khadka taleefoonka ayaa sheegtay in qorshaha uu ahaa in iyada la khaarijiyo balse ay ka badbaaday weerarka, waxaana soo gaaray dhaawacyo xagtiimo oo yar yar.

Ragga weerarka fuliyay aya durbo cararay, waxaana goor dambe meesha tegay ciidanka ammaanka oo sameeyay baaritaanno kooban, balse uma suuragelin inay soo qabtaan dambiileyaasha.

Inta badan Al-Shabaab ayaa fuliso weeraro gaadmo ah oo ay ku beegsato sadhigyada ciidanka, guryaha ay dagan yihiin madaxda iyo goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here