Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

0

JOWHAR, 10 Nofeembar 2025 – Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UN Resident and Humanitarian Coordinator).

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta deegaannada Hirshabeelle, gaar ahaan saameynta abaaraha, fatahaadaha, iyo barakaca, iyo sidoo kale mashaariicda horumarineed iyo kuwa gargaarka ee Qaramada Midoobay ka fuliso gobollada iyo degmooyinka dowlad-goboleedka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka iyo maamulka Hirshabeelle, isaga oo xusay in loo baahan yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo mashaariicda wax-ka-qabashada dhibaatooyinka bini’aadantinimo.

“Iskaashiga Hirshabeelle iyo Qaramada Midoobay waa mid muhiim u ah dadaallada lagu yareynayo saameynta fatahaadaha iyo abaaraha, looguna gurmanayo bulshada nugul,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Dhankiisa, ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyey dadaallada maamulka Hirshabeelle ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta qorshayaasha gargaarka degdegga ah.

Kulanka kadib, labada mas’uul iyo wafdiyada ay hoggaaminayeen ayaa si wadajir ah uga qeyb galay Madasha Arrimaha Bini’aadanimada Soomaaliya ee maanta ka furantay magaalada Jowhar, taas oo diiradda lagu saarayo abaabulka iyo mideynta dadaallada gargaarka bani’aadantinimo ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here