Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay amniga, dhaqanka iyo iskaashiga caalamiga ah

0

MUQDISHO — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, waxaana looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga dalka, iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta dhaqanka iyo diinta.

 

Shirka, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ansixiyey heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo diiradda saaraya iskaashiga warbaahinta iyo dhaqanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa Golaha u soo bandhigay warbixino ku saabsan horumarka laga sameeyay sugidda amniga, iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ee dhawaan la qaban doono.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay guulaha Ciidanka Qalabka Sida ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo badqabka muwaadiniinta.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii ka baxsanaa dhaqanka iyo diinta Islaamka ee lagu dhibaateeyay shacab birma-geydo ah, waxaana Xukuumaddu fartay hey’adaha amniga in sharciga la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelatay falalka xadgudubka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here