Tartan Ka Yimid Itoobiya oo Sababay In Dhoofka Khaadka Kenya u Gaaray Hoos-u-Dhac Taariikhi ah*

0

NAIROBI – Qaadkii Miirowga ee Kenya usoo dhoofin jirtay Soomaaliya ayaa sanadkan 2025 galay hoos-u-dhac weyn, iyadoo tirada guud ee la raray ay noqotay 1.7 milyan kiilo. Tani waxay ka dhigan tahay in dhoofku uu yaraaday ku dhowaad 17% marka loo eego 2.1 milyan kiilo oo la dhoofiyay sanadkii hore.

 

Daraasad laga soo saaray Kenya ayaa muujisay in bisha Febraayo ay ahayd tan ugu liidatay, iyadoo kaliya la dhoofiyay 199,860 kiilo. Si kastaba, May ayaa noqotay bisha ugu sarreysay dhoofka sanadka, maadaama la diray in ka badan 356,000 kiilo.

Ganacsatada ku hawlan suuq-geynta khaadka ayaa sheegay in xaaladda suuqa ay adkaatay, maaddaama Itoobiya ay si xoog leh u ballaarinayso iibgeeda Soomaaliya. Tani waxay keentay in Kenya ay lumiso qayb ka mid ah suuqii ay muddo dheer ku gacan sarreysay.

Hoos-u-dhaca hadda muuqda ayaa dib u soo taagay walaac hore oo ku saabsan ku-tiirsanaanta dhaqaale ee Kenya ay ku leedahay Soomaaliya oo ah suuqa ugu weyn ee qaadka dalkaasi.

Dhoofka Kenya ee Miirowga ayaa 2022 dib u soo bilaabmay ka dib markii Soomaaliya ay qaadday xayiraad labo sano ahayd oo ka dhalatay xiisad diblomaasiyadeed intii uu xilka hayay madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here