Sweden oo lagu xiray nin Suuriya u dhashay oo rabay inuu ku biiro Daacishta Soomaaliya

0

Dowladda Iswiidhan ayaa dacwad ku soo oogtay nin 23 jir ah oo Iswiidhan–Suuriyaan ah, kaas oo lagu eedeeyay dhowr dambi oo argagixiso.

 

Eedaha waxaa ka mid ah inuu isku dayay laba jeer inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda Daacish (IS), iyo inuu maalgelin u sameeyay ururka isagoo isticmaalaya lacagaha dhijitaalka ah.

Isku daygii koowaad ee safarkiisa wuxuu dhacay 4-tii Sebtembar 2023, waxaana qabtay ciidamada Itoobiya meel u dhow xadka Soomaaliya. Isku dayga labaad wuxuu dhacay 18-kii Maarso 2024, markaas oo ay xireen ciidamada Soomaaliya.

Xeer-ilaaliyaha dacwadda, Carl Mellberg, ayaa sheegay in aan la xaqiijin karin doorka saxda ah ee uu ka qaadan lahaa gudaha IS, balse qorshihiisu ahaa inuu si firfircoon ugu biiro ururka. Ninkan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu helay tababaro ku saabsan samaynta iyo adeegsiga qaraxyada.

Eedeysanaha ayaa deggen koonfurta Iswiidhan, wuxuuna xiriir la leeyahay nin 22-jir ah oo bishii Febraayo lagu xukumay dambi la xiriira safaro argagixiso.

Maxkamaddiisa ayaa bilaaban doonta 3-da Diseembar, waxayna socon doontaa saddex maalmood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here