KISMAAYO – Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Wafdiga Guddoomiyaha Haydaโadda SoDMA waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo isugu jira wasiiro iyo madax kale.
Inta ay joogaan Jubbaland, wafdigu waxay u kuurgali doonaan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada kala duwan ee Jubbaland, iyagoo qiimeyn doona saameynta abaarta iyo sidii loo dardargelin lahaa ka-jawaabista gargaarka degdegga ah.
Socdaalka Guddoomiyaha SoDMA waxaa ku wehliya George Conway Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Arrimaha Baniโaadannimada Soomaaliya, si loo xoojiyo wada-shaqeynta hayโadaha qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya ka-jawaabista masiibooyinka.




