Jabuuti – Xoghayaha Fulinta ee Urur-goboleedka IGAD, Mudane Workneh Gebeyehu, ayaa maanta qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Salaad Cali Geelle.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira iskaashiga gobolka iyo xoojinta hay’adaha IGAD, iyadoo si gaar ah looga hadlayay ansixintii dhowaan ay Soomaaliya siisay Heshiiska Aasaaska IGAD.
Intii uu socday kulanka, waxaa dib loo adkeeyey ballanqaadka Soomaaliya ee ku aaddan ka mid ahaanshaha IGAD iyo dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta dalalka xubnaha ka ah ururka, iyo sidoo kale doorka hay’adeed ee IGAD ee horumarinta nabadda, amniga iyo is-dhexgalka gobolka.
Kulankan ayaa muujinaya sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato howlaha IGAD iyo xoojinta iskaashiga gobolka Geeska Afrika.





