Horjooge Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Isku Dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug

0

Galgaduud – Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, laguna magacaabo Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, ayaa maanta isku dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr ee ilaalada Madaxtooyada Galmudug, kuwaas oo maalmahan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday aagga deegaanada Labadulle iyo Ceelahelay.

 

Horjoogahan ayaa sheegay in uu ahaa mas’uul ka tirsanaa Al-Shabaab, kana mid ahaa horjoogeyaasha ay kooxdaasi ugu yeeraan Jabhadda ee gobolka Galgaduud. Waxa uu ka yimid dhanka Ceelgaras, isagoo watay qori iyo boosh.

Cabdiraxmaan Talxo Shuuke ayaa saraakiisha Ciidamada ee uu isku soo dhiibay u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ku sugan yihiin xaalad adag, kaddib markii ay xoogaysteen howlgallada ay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ka wadaan deegaanno badan oo dalka ka mid ah, kuwaas oo ay wehlinayaan weerarro culus oo dhulka iyo cirka ah.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah guulaha isdaba-joogga ah ee ay Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ka gaarayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Galgaduud.

No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here