Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo si diirran loogu soo dhaweeyay London

0

London – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xasan Macalin, Mudane Xasan Macalin, oo safar shaqo ku jooga United Kingdom, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada London.

 

Soo dhaweynta Wasiirka waxaa ka qeyb qaatay xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, kuwaas oo muujiyay taageerada ay u hayaan dadaallada dowladdu ugu jirto horumarinta dalka.

Intii uu socday kulanka, Wasiirku wuxuu ka warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada ku aaddan dhameystirka iyo ansaxinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ka qeyb qaataan talo iyo taageero ku aaddan geeddi-socodka dastuurka.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool United Kingdom doorkooda ku aaddan taageerada horumarka dalka iyo sida ay mar walba uga qeyb qaataan dhismaha dowladnimada Soomaaliya.May be an image of dais and textMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here