Trump oo qorsheynaya howlgal ballaaran oo lagu beegsanayo Soomaalida ku nool dalka Mareykanka

0

WASHINGTON – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa soo saaray hanjabaad cusub oo ka dhan ah muhaajiriinta Soomaalida, isagoo sheegay inuu ciidamada ICE u diri doono garoomada diyaaradaha si ay u bilaabaan howlgal kale oo cusub, haddii aan la fulin dalabaadkiisa miisaaniyadda.

 

Trump ayaa qoraal uu soo soo saarey si gaar ah ugu xusay muhaajiriinta ka yimid dalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ciidamada ICE ay culays gaar ah saari doonaan dadka Soomaalida ah ee dalkaas jooga.” “Waxaan u wareejin doonaa ciidamada ICE garoomada diyaaradaha, halkaas oo  si aan hore loo arag ugu beegsan doonaan muhaajiriinta… iyadoo culays gaar ah la saarayo kuwa ka yimid Soomaaliya,” ayuu yiri Trump.

Hadalkan ka soo yeeray madaxweynaha ayaa imaanaya xilli xasaasi ah oo uu jiro loolan dhanka sharciga ah oo ku saabsan masiirka dadka Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka. Maalmo kahor ayay ahayd markii garsoore federaal ah uu si kumeel-gaar ah u horistaagay go’aan uu maamulka Trump ku doonayay in lagu soo tarxiilo bishan ku dhowaad 1,100 qof oo Soomaali ah.

Inkasta oo uu jiro go’aankaas maxkamadeed ee lagu ilaalinayo Soomaalida, haddana Trump ayaa u muuqda mid kordhinaya cadaadiska ka dhanka ah bulshada Soomaaliyeed, oo u tagay Mareykanka inay ka helaan nolol dhaanta mida dalkooda uga tageen. Gobolka Minnesota ayaa ah meesha ugu badan ee Ciidamada ICE howlgalka ka sameeyeen.

Horraantii bishii December, wuxuu Trump ku tilmaamay dadka Soomaalida ah inay yihiin ‘qashin’, isagoo sheegay ‘inaysan waxba ku soo kordhin’ dalka Mareykanka intii ay joogeen.” Wuxuu ku eedeeyay musuq-maasuq iyo falal dambiyeedyo inay gobolka Minnesota ka geysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here