Muqdisho –Iyadoo ay sii xoogeysanayaan xiisadaha iska soo horjeeda ee ka taagan deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka sare ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa socda dadaallo dib-u-heshiisiin ah.
Ugaas Shire Ugaas Warsame oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dadaallada socda ay meel wanaagsan marayaan.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in rajo wanaagsan laga qabo in xal laga gaaro khilaafaadka jira, haddii wada-hadallada ay sidaan ku sii socdaan.
Dadaalladan ayaa imaanaya xilli ay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka ay wadaan dadaallo lagu dejinayo xiisadaha siyaasadeed, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo midnimada deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
DAAWO.



