Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed socon doona muddo laba cisho ah, kaas oo diiradda lagu saarayo sare u qaadidda hoggaaminta haweenka Soomaaliyeed.
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Dhaqdhaqaaqa Sinnaanta Jinsiga Soomaaliyeed (SOMGEM), ayaa waxaa ka qeybgalaya hoggaamiyeyaasha haweenka, ururrada haweenka iyo xubno ka socda bulshada rayidka. Inta uu socdo, waxaa la isku dhaafsan doonaa fikrado iyo dooddo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa doorka hoggaamineed ee haweenka, maadaama ay door muhiim ah ku leeyihiin horumarka bulshada.
Wasiirka oo khudbad ka jeedisay furitaanka kulanka ayaa faahfaahin ka bixisay tallaabooyinka ay Wasaaraddu qaadday si kor loogu qaado hoggaaminta haweenka.
Tallaabooyinkaasi waxaa ka mid ah in markii ugu horreysay qoondada haweenka lagu caddeeyo 30% sharciga doorashooyinka iyo sharciga axsaabta, ansixinta sharciga ka hortagga tacadiyada ku saleysan jinsiga, sharciga ka hortagga gudniinka fircooniga, iyo sharciga arrimaha qoyska, kuwaas oo dhammaantood ansixiyeen Golaha Wasiirrada.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ku boorrisay ka qeybgalayaasha kulanka in ay soo saaraan talooyin wax ku ool ah oo gacan ka geysan kara sii xoojinta dadaallada dowladda ee ku aaddan horumarinta hoggaaminta haweenka iyo dhiirrigelintooda.




