Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Ka Qayb Galay Abaalmarinta “Daaci 2026

0

MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”, oo lagu dhiirigelinayo doorka dhallinyarada ee faafinta wanaagga, diinta iyo horumarinta bulshada.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray dhammaan ka qaybgalayaasha barnaamijka, oo hal-ku-dhiggiisu ahaa “Soomaali sheeganaysa sheekadeeda”, isaga oo ku bogaadiyey dadaalkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo kor-u-qaadidda akhlaaqda suubban.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in qof kasta uu shaqadiisa isaga oo si daacad ah u gudanaya ugu dhawaan karo Alle, isla markaana uu gaari karo guul adduun iyo abaal marin aakhiro. Waxa uu tilmaamay in ganacsatada, wariyeyaasha, siyaasiyiinta iyo culimadu ay door muhiim ah ka qaadan karaan dhismaha bulsho wanaagsan oo isku duuban.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay caqabadaha horyaalla bulshada Soomaaliyeed, sida qabyaaladda, musuqmaasuqa, argagixisada, faragelinta shisheeye iyo hoos u dhaca dhaqanka wanaagsan, kuwaas oo halis ku ah midnimada iyo jiritaanka dalka.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in tiknoolojiyadda iyo warbaahinta bulshada loo adeegsado faafinta wanaagga, wacyigelinta bulshada iyo kobcinta dhaqanka suubban, isla markaana laga hortago waxyaabaha lidka ku ah nabadda iyo horumarka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay gacanta ku hayaan amniga guud ee magaalada Baydhabo, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Waxa uu sidoo kale caddeeyey in aan la oggolaan doonin wax aargoosi ah, isla markaana talada dib loogu celin doono shacabka, si ay u doortaan hoggaankooda.May be an image of one or more people, headscarf and textMay be an image of dais and text that says "H.E Hapue H aze Abdi B Pri ster of Sol DI JAZEERA DJAZEERA PALA PALACEHOTEL"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here