Moscow – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa khadka taleefoonka kaga wadahadlay xaaladda cakiran ee ka taagan Bariga Dhexe, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Kremlin.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen colaadda sii xoogeysaneysa ee gobolka, taasoo lagu tilmaamay mid aan horay loo arag marka loo eego heerka ay gaarsiisan tahay.
Labada dhinac ayaa si cad u muujiyay walaacooda ku aaddan sii socoshada dagaalka, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, lagana shaqeeyo xalal siyaasadeed iyo kuwo diblomaasiyadeed. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in la tixgeliyo danaha dhammaan dowladaha gobolka, iyada oo aan shuruudo lagu xirin.
Intii uu socday wada hadalka, Putin iyo Al-Sisi waxay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Ruushka iyo Masar. Arrimaha laga hadlay waxaa ka mid ahaa horumarinta mashaariic waaweyn oo dhinacyada tamarta iyo warshadaha ah, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaari kara kobaca dhaqaale ee labada dal.
Xiisadda Bariga Dhexe ayaa si weyn u cirka isku shareertay tan iyo markii Israa’iil iyo Maraykanku ay bilaabeen duullaanka ka dhanka ah Iran 28-kii Febraayo. Colaaddan ayaa keentay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo in ka badan 1,340 qof ay ku dhinteen ilaa hadda.
sidoo kale hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee Iran xilligaas, Ali Khamenei, uu ka mid ahaa dadka ku dhintay colaadda, arrintaas oo sii hurisay xiisadda isla markaana sare u qaaday walaaca caalamka.
Dhanka kale, Tehran ayaa si degdeg ah uga jawaabtay weerarrada, iyadoo qaaday duqeymo diyaaradeed iyo gantaallo lala beegsaday Israel, Urdun, Ciraaq, iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka ee martigeliya saldhigyada milatari ee Maraykanka. Weeraradan ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxayna sidoo kale khalkhal geliyeen suuqyada caalamka iyo duulimaadyada.
Khabiirada siyaasadda ayaa ka digaya in haddii aan xal degdeg ah la helin, ay jirto khatar ah in colaaddan ay isu beddesho mid ballaaran oo saameyn ku yeelata dalal badan oo ka baxsan gobolka.
Dadaallada diblomaasiyadeed ee ay wadaan quwadaha caalamka iyo dalalka gobolka ayaa weli socda, iyadoo la rajeynayo in wadahadalladu ay horseedi doonaan xabbad joojin iyo xasillooni waarta.




