Baydhabo – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, ayaa maanta kulan la qaatay sii-hayeyaasha wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha oo kulanka furay ayaa ka qeyb galayaasha warbixin ka siiyay ujeedka safarka wafdiga uu hoggaaminayo ee Baydhabo, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlaha wasaaradaha si aan hakad u gelin adeegyada muhiimka ah ee loo hayo bulshada.
Mas’uuliyiinta ka socotay wasaaradaha Koonfur Galbeed ayaa dhankooda guddoomiyaha iyo wafdigiisa la wadaagay warbixinno ku saabsan shaqooyinka ay u hayaan shacabka iyo xaaladaha adeegyada bulshada ee ka jira deegaannada maamulkaasi.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale kula dardaarmay mas’uuliyiinta inay xoojiyaan dadaallada adeegga bulshada, isla markaana ay sii wadaan shaqooyinka wasaaradaha inta laga qabanayo doorashooyin ay ku qanacsan yihiin shacabka Koonfur Galbeed.





