Muqdisho – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa guddoomiyey kulankaa afar billaha ah ee iskuduwidda iyo hirgalinta Qorshe Howleedka.
Kulanka oo isugu yimaadeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo hoggaanka IOM ayaa looga arrinsaday iskuduwidda howlaha hortabinta leh sida; Xasillinta, Dib u heshiisiinta iyo Xalkawaara. Kulanka ayaa adkeeyey howlaha ay sidoo kale labada dhinac ka wada shaqeeyaan ee dedaallada xasillinta iyo Dowlad-dhiska.





