Baydhabo – Kulan muhiim ah oo looga hadlay amniga deegaannada Koonfur Galbeed iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa caawa lagu qabtay magaalada Baydhabo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha lagu xaqiijinayo amniga guud iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Shirka waxaa ka qeyb galay taliyeyaasha ciidamadda kala duwan, guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamadda qalabka sida, iyo saraakiil kale oo muhiim ah, kuwaas oo ka wada hadlay istaraatiijiyadda lagu xoojinayo amniga iyo difaaca shacabka.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, kaas oo faray saraakiisha in la laba jibaaro dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, isla markaana la xoojiyo wada shaqeynta shacabka.
waxaa kulanka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha amniga iyo bulshada si loo xaqiijiyo xasillooni waarta.






