Agaasimaha NISA oo kulamo amni ku saabsan Washington kula yeeshay CIA iyo FBI

0

Washington – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim ah kula yeeshay magaalada Washington, D.C. madaxda hay’adaha  (CIA)Hay’adda Sirdoonka Dhexe iyo Xafiiska Baarista Federaalka.

 

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada sirdoonka, la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa booqday xarunta ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ee Fort Bragg oo ku taalla gobolka North Carolina, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Korneyl Benander, oo ah taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka isla markaana hore uga soo shaqeeyay Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada. Iskaashigan ayaa horseeday guulo la taaban karo, oo ay ka mid yihiin howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday horjoogeyaasha sare ee Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here