Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Ka Qaybgalay Kulan Ku Saabsan Doorka Haweenka

0

Muqdisho – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulkadir Elmi, ayaa ka qaybgalay kulan muhiim ah oo looga hadlay doorka haweenka Soomaaliyeed ee dowlad-dhiska, nabad-dhisidda iyo horumarinta dalka.

 

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Danjiraha Dowladda UK ee Soomaaliya, Mudane Charles King, iyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca di Mauro, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wakiillo ka socday ururrada haweenka, dowladaha hoose iyo saaxiibada caalamiga ah.

Agaasimaha Guud ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta bulshada, isla markaana ay door muuqda ka qaataan xasilloonida dalka, ka qaybgalka siyaasadda iyo horumarinta guud.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo siyaasado loo dhan yahay oo kor u qaada xirfadaha haweenka, isla markaana wax ka qabta caqabadaha dhaqan iyo dhaqaale ee hortaagan, si loo xaqiijiyo ka qaybgal buuxa iyo cadaalad bulsho.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Wasaaraddu ay si buuxda uga go’an tahay xoojinta ka qaybgalka haweenka ee dhammaan heerarka dowladnimo, iyadoo la ballaarinayo guulaha la gaaray lana waafajinayo mudnaanta qaranka.May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of studying, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here