Muqdisho – Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ka duulaya xog sirdoon, ayaa hawlgal qorsheysan oo lagu magacaabay “WAABARI” ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalka oo ay ka qayb qaadatay Qeybta Baarista Dembiyada (CID), ayaa si guul leh u dhacay 18-04-2026, abaaro 9:00 subaxnimo. Ciidanka Gaarka ah ee La-dagaalanka Argagixisada ayaa burburiyey bar kontorool iyo xarun ay kooxaha Al-Shabaab u adeegsan jireen qaadista lacago baad ah oo sharci-darro ah, kuwaas oo laga qaadi jiray shacabka isticmaala waddada deegaanka Jambaluul.
Intii uu socday hawlgalku, ciidamada ayaa khaarijiyey horjooge lagu magacaabo Zakariye, oo mas’uul ka ahaa uruurinta iyo jarista boonooyinka lagu qaado lacagaha baadda ah.
Sidoo kale, waxaa hawlgalka lagu dhaawacay laba horjooge oo kala ah Xasan Cabdiraxmaan, oo Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Jambaluul, iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Geele.
Ciidamada ayaa sidoo kale goobta ka soo saaray boonooyinkii lagu qaadi jiray baadda, hub kala duwan, iyo mooto uu lahaa horjoogihii lagu dilay.
Hawlgalkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska La-dagaalanka Argagixisada, ay ku xaqiijinayaan amniga, isla markaana kaga jawaabayaan cabashooyinka shacabka ee la xiriira baadda sharci-darrada ah ee ay kooxaha Al-Shabaab ka qaadaan dadka rayidka ah.





