Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar loo qabtay 120 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Cutubka Daraawiishta Booliska.
Wasiirka ayaa bogaadiyay askarta qalin-jabisay, isagoo ku ammaanay dadaalka, dulqaadka, iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii uu socday tababarku. Wuxuu sidoo kale xusay in cutubkan cusub uu door muhiim ah ka qaadan doono sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda qaran ee ilaalinta amniga, kala dambeynta, iyo badqabka muwaadiniinta.





