UK oo Taageertay Wada-hadallada ay Dowladda Federaalku ku Casuuntay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Safiirka Boqortooyada Ingiriiska (UK) ee Soomaaliya, Charles King, ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay casuumaadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed si ay u yeeshaan kulan wada-tashi ah.

Bayaan uu soo saaray Safiirka ayuu ku caddeeyay in wada-hadalku uu yahay wadada keliya ee looga gudbi karo xaaladda adag ee uu dalku marayo.

“Muddadan xasaasiga ah, wada-hadalku waa habka ugu wanaagsan ee lagaga arrinsan karo arrimaha hortabinta u leh qaranka, kor loogu qaadi karo xasilloonida, loona taageeri karo danaha dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Safiir Charles King.

Safiirka ayaa intaas ku daray in dowladdiisu ay tahay saaxiib iyo garab taagan Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u tahay inay taageerto dadaallada ay hoggaaminayaan Soomaalidu si loo gaaro is-afgarad.

Taageeradan ka timid Safaaradda UK ayaa qayb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu dhiirigelinayo in dhinacyada Soomaalidu ay miiska wada-hadalka iskugu yimaadaan si loo xalliyo khilaafaadka taagan, loona xoojiyo xasilloonida dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here