Muqdisho – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa si rasmi ah u furay aqoon-isweydaarsi ku saabsan ka hortagga tabinta hadallada naceybka xilliyada doorashooyinka.
Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda 21 xarumood oo warbaahineed oo ka hawlgala magaalada Muqdisho.
Ujeeddada tababarkan ayaa ah in la xoojiyo fahamka saxafiyiinta ee doorkooda ku aaddan tabinta mas’uuliyadda leh inta lagu jiro geeddi-socodka doorashooyinka, gaar ahaan ka hortagga faafinta wararka khaldan, marin-habaabinta iyo hadallada naceybka oo saameyn kara kalsoonida dadweynaha iyo xasilloonida bulshada.
Wasiirka ayaa sheegay in warbaahintu door muhiim ah ka qaadan karto xoojinta xasilloonida doorashooyinka iyo ka hortagga hadallada naceybka ee sababi kara xasaradaha ka dhasha xilliyada doorashooyinka.
“Warbaahintu waxay door weyn ka ciyaartaa wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta hufnaanta macluumaadka doorashooyinka. Waxaa muhiim ah in saxafiyiintu ay tabintooda ku saleeyaan xog sax ah, dheellitirnaan iyo mas’uuliyad xirfadeed,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud.
Wuxuu sidoo kale ku booriyey suxufiyiinta inay xoojiyaan tabinta dheellitiran ee dhinacyada siyaasadda, islamarkaana ay kor u qaadaan fariimaha nabadda iyo dowlad-dhiska.
Intii uu socday aqoon-isweydaarsigan, oo uu taageerayo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), ka-qaybgalayaasha waxaa la siin doonaa casharro la xiriira fahamka nidaamka doorashooyinka qaranka, xaqiijinta xogta, ilaalinta hufnaanta macluumaadka iyo ka hortagga hadallada naceybka.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay horumarinta xirfadaha saxafiyiinta iyo anshaxa warbaahinta, si loo taageero qabsoomidda doorashooyin hufan, nabdoon isla markaana lagu kalsoonaan karo.




