Dhuusamareeb – Xiisad siyaasadeed ayaa kasoo dhex muuqatay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, kadib muran ka dhashay xilka Taliyaha Booliska Galmudug.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska Galmudug, iyadoo xilkaasi u magacowday G/Sare Maxamed Daahir.
Si kastaba, saacado kadib ayaa Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), kasoo horjeestay go’aanka dowladda dhexe, isagoo war kasoo baxay xafiiskiisa dib ugu magacaabay Taliyihii xilka laga qaaday, G/Sare Khaliif Cabdulle.
Tallaabadan ayaa sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug, xilli laga dareemayo magaalada Dhuusamareeb dhaqdhaqaaqyo ciidan oo la sheegay in dowladda Federaalka ay halkaasi geysay.
Ilo wareedyo ku sugan Galmudug ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid kacsan, inkastoo aysan jirin illaa iyo hadda wax iska horimaad ah oo la soo sheegay.
Khilaafkan ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu wajahayo murano siyaasadeed iyo walaac la xiriira amniga iyo maamulka hay’adaha dowladda.



