Muqdisho oo laga xusayo 83-guurada aas-aaska Ururka SYL

0

Muqdisho – Waxaa maanta oo ku beegan 15-ka May si weyn looga xusayaa 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaska Ururka Gobonnimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL (Somali Youth League), oo door weyn ka qaatay halgankii gobonnimada dalka.

 

Munaasabado kala duwan ayaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, iyadoo ubax dhigid lagu sameynayo taalada SYL si loo maamuuso halgamayaashii Soomaaliyeed ee u istaagay xorriyadda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo munaasabadda xuska 15-ka May ee ka dhacaysa magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu xusi doono doorkii taariikhiga ahaa ee dhalinyaradii aas-aastay ururka SYL.

15-ka May ayaa ah maalin taariikhi ah oo ku weyn shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ku asteysan tahay maalintii la aasaasay ururkii gobonnimo-doonka Soomaaliyeed sanadkii 1943-kii, kaas oo horseed u noqday halgankii lagu gaaray xorriyadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here