Baydhabo — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xalay howlgal qorsheysan ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo, kaddib weerar gaadmo ah oo sida la sheegay ay kooxo hubeysan kusoo qaadeen ciidamo ku howlanaa sugidda amniga.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 50 xubnood oo isugu jiray dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab iyo maleeshiyaad hubeysan oo garab siinayay.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in howlgalka lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxahaasi u adeegsanayeen abaabulka weerarro ka dhan ah Ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in weerarkii gaadmada ahaa ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo sida ay sheegtay “si toos ah ugu milmay Al-Shabaab”.
Qoraalka ayaa intaas ku daray in sheegashada weerarka ay muujineyso in maleeshiyaadkaasi ay noqdeen garab taageera Al-Shabaab, islamarkaana ay khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.





