Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay xaaladda Muqdisho

0

Muqdisho, Soomaaliya – Beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda amni ee ka taagan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogag mucaarad ah.

 

Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay colaadda ka socota caasimadda, iyadoo ku tilmaantay dagaalka mid aan la aqbali karin. Safaaraddu waxay dhammaan dhinacyada ku lugta leh ugu baaqday inay muujiyaan is-xakamayn, kana shaqeeyaan xal lagu gaaro wada-hadal iyo degganaansho.

Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa dagaallada ka socda Muqdisho ku tilmaantay kuwo “mas’uuliyad darro ah”, iyadoo carrabka ku adkaysay in go’aannada iyo tallaabooyinka la qaado saacadaha soo socda ay saameyn weyn ku yeelan karaan amniga, midnimada iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Dagaallada socda ayaa sidoo kale saameyn ballaaran ku yeeshay noloshii caadiga ahayd ee magaalada. Isku-socodka dadka iyo gaadiidka ayaa si weyn u hakaday, halka inta badan goobaha ganacsiga ay albaabbada u laabeen. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay istaageen howlihii caadiga ahaa ee ka socday Dekedda Muqdisho, taas oo ka mid ah xarumaha dhaqaalaha ee ugu muhiimsan dalka.

Dhanka kale, boqolaal qoys ayaa lagu soo warramayaa inay ka barakaceen guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba sii xoogeysiga dagaallada iyo xaaladda amni ee aan weli xasilloonayn.

Beesha caalamka ayaa ku baaqaysa in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada, lana dardargeliyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka jira, si looga hortago in xaaladdu isu beddesho qalalaase amni iyo mid bani’aadamnimo oo sii baahda.May be an image of text that says "ក្រយមិកណ្រ្រ្ដ្នម្ិី្តតត់ บรษม U.S. Embassy Mogadishu, Somalia @US2SOMALIA The violence unfolding in Mogadishu is reckless. Somali leaders on all sides have a responsibility to preserve stability and resolve differences through peaceful means. Actions taker in the coming nours hours and days may have lasting consequences for Somalia's security, unity, and future. 8:04 AM 04 Jun 26. 1,756 Views"May be an image of text that says "British Embassy Mogadishu UK in Somalia @UKinSomalia The UK is deeply concerned by reports of violence in Mogadishu overnight. Violence is unacceptable and we call on all parties to exercise restraint and engage in inclusive, constructive dialogue to resolve tensions peacefully. 8:33 •04 Jun 26 326 Views"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here