Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag uga hadlay dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogag mucaarad ah, kaas oo tan iyo gelinkii dambe ee shalay ka socday magaalada Muqdisho.
Farmaajo ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku dhaliilay sida loo maareeyay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka. Hadal uu jeediyay ayuu ku sheegay in dowladdii uu hoggaaminayay aan lagu ridin dagaal ama weerar dibadeed, balse ay burburinteeda qayb ka ahayd mucaaradad siyaasadeed oo uu sheegay in Xasan Sheekh hormuud ka ahaa.
“Dowladeydii adigaa dumiyey oo Mirinaayo galay, cid ku weerartayna ma jirin ee adigaa dadka ugu sheekeynayey,” ayuu yiri Farmaajo, isaga oo si kulul uga jawaabaya hadallo iyo eedeymo uu ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn.
Hadalka Farmaajo ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira Muqdisho, iyadoo dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga mucaaradka ay walaac ku abuureen shacabka ku nool caasimadda.
DAAWO.



