Ugaaska Beesha Murusade oo dowladda ku eedeeyey dagaalkii ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho, Soomaaliya – Ugaaska Beesha Murusade, Ugaas Cabdirisaaq Faracadde, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey mas’uuliyadda dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo dhex maray ciidamada dowladda iyo ciidamo ilaalo u ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

 

Ugaaska oo ku sugnaa guriga Xasan Cali Khayre xilligii ay dhacaysay iska horimaadka, ayaa sheegay in dagaalka uu billowday xilli ay ku jireen dadaallo nabadeed. Wuxuu xusay in dagaalku uu bilowday gelinkii dambe ee shalay isla markaana uu socday muddo dheer oo ilaa iyo saakay soo gaaray.

“Saacadu marka ay ahayd shantii galabnimo annagoo nabadda ka shaqaynayno ayay nagu bilaabatay, welina dagaalku waa nagu socdaa,” ayuu yiri Ugaas Cabdirisaaq Faracadde, waxa uu intaasi ku daray Ugaasku, weerarka in uu ka yimid dhinaca ciidamada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here