Bandow lagu soo Rogay Baydhabo Xilli Doorashada Hoggaanka Koonfur Galbeed ay ka Dhacayso

0

BAYDHABA – Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay bandow laga hirgelinayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo  lagu wado inay ka dhacdo doorashada hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliiska ayaa lagu sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay sugidda amniga iyo nabadgelyada guud ee magaalada, gaar ahaan inta lagu guda jiro howlaha doorashada.

Sida ku cad warka Booliiska, magaalada Baydhabo waxaa laga mamnuucay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo isu socodka dadweynaha inta uu bandowgu socdo, marka laga reebo gaadiidka ciidamada ammaanka, mas’uuliyiinta, gaadiidka gurmadka degdegga ah iyo dadka qaba xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in shacabka u baahan gargaar caafimaad ama ay la kulmaan xaalado degdeg ah loo diyaariyey gaadiidka gurmadka degdegga ah, kuwaas oo laga heli karo goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka iyo maamulka degmada.

Dhanka kale, ciidamada ammaanka ayaa la faray in aanay ridin wax rasaas ah kahor iyo kadib doorashada hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed. Taliska Booliiska ayaa digniin adag u diray cid kasta oo ku xadgudubta amarkaasi, isagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono lana horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh.

Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Baydhabo inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, isla markaana ay soo gudbiyaan wixii xog amni ama dhaqdhaqaaqyo laga shakiyo ah si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here