Madaxa AUSSOM iyo Wafdi ka Socday Safaaradda UK oo Ka Wada Hadlay Taageerada Nabadda iyo Amniga Soomaaliya

0

Muqdisho – Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, kuwaas oo uu hoggaaminayay Ku xigeenka Safiirka UK, Sally Orr, iyo U-Qaybsanaha Arrimaha Difaaca, G/Sare Ben Ramsay OBE.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waajibaadka Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), caqabadaha amni ee jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda taageerada Boqortooyada Ingiriiska ay siiso Midowga Afrika iyo Hawlgalka AUSSOM, si kor loogu qaado nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta AUSSOM, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, si loo taageero dadaallada xasilinta, dib u soo kabashada deegaannada laga xoreeyay kooxaha hubeysan, iyo sare u qaadista adkeysiga bulshada.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale isla soo qaaday saameynta ay amni darrada, isbeddelka cimilada iyo caqabadaha la xiriira xasilinta ugu leeyihiin horumarka Soomaaliya, iyagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi joogto ah si wax looga qabto arrimahaas isku xiran.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here