MUQDISHO – Wadahadalladii lagu doonayay in lagu sii daayo siddeed badmaax oo Masaari ah oo ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah ayaa fashilmay, kaddib markii kooxaha afduubka geystay ay ka baxeen heshiis hordhac ah oo hore loo gaaray.
Sida uu warbaahinta u sheegay El-Sayed El-Shazly, oo ah madaxa Midowga Saraakiisha Badda Masar, wada-xaajoodyada ayaa hakad galay kaddib markii afduubayaashu ay dalbadeen lacag madax-furasho oo dheeraad ah.
Badmaaxiintan ayaa saarnaa markabka shidaalka qaada ee M/T Eureka, kaas oo la afduubay 2-dii bishii May xilli uu ka soo ambabaxay dekedda Fujairah ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kuna sii jeeday Yemen. Markabka ayaa la sheegay in lagu qabsaday hub, waxaana hadda lagu hayaa meel ku dhow xeebaha Puntland.
Mas’uuliyiinta la socota arrintan ayaa sheegay in heshiis hordhac ah oo lagu bixinayay lacag dhan laba milyan oo doolar la gaaray, balse afduubayaashu ay markii dambe ka baxeen heshiiskaas, iyagoo dalbaday lacag dheeraad ah.
Qoysaska badmaaxiinta la afduubtay ayaa muujiyay walaac xooggan, iyagoo sheegay in rajadii laga qabay sii deyntooda ay dib u dhacday. Axmed Shaaban, oo la dhashay kabtanka markabka, ayaa sheegay in xaaladdu dib ugu laabatay halkii ay markii hore ka bilaabatay.
Dhanka kale, Midowga Saraakiisha Badda Masar ayaa xaqiijiyay in dhammaan badmaaxiinta ay weli nool yihiin, iyadoo qaar ka mid ah ay awoodeen inay si kooban ula xiriiraan ehelladooda.
18-kii May ayay burcad-badeeddu baahiyeen muuqaal muujinaya badmaaxiinta oo gacmaha iyo indhaha ka xiran yihiin, iyadoo rasaas digniin ah lagu ridayay agtooda, taas oo cabsi weyn ku abuurtay qoysaskooda.
Markabka M/T Eureka oo dhererkiisu yahay 88 mitir ayaa ku socda calanka dalka Togo, waxaana iska leh shirkad laga leeyahay Isutagga Imaaraadka Carabta. Wararka ayaa sheegaya in markabka laga soo qabtay biyaha Yemen ka hor inta aan loo leexin xeebaha Soomaaliya.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya biyaha Soomaaliya tan iyo dhammaadkii sanadkii 2023. Khubarada amniga ayaa kororka weerarradan ku macneeyay yaraanshaha ilaalada caalamiga ah ee badda, kaddib markii qayb ka mid ah ciidamada badda loo wareejiyay howlaha ka socda Badda Cas.
Sidoo kale, bishii April ee sanadkan ayaa markabka shidaalka qaada ee Honor 25 lagu weeraray isla aaggaas, taas oo muujinaysa walaaca sii kordhaya ee ku aaddan amniga maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodka gobolka.




