Muqdisho – Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka halkaas oo lagu waday inuu ka qeyb galo garsooridda tartanka Koobka Adduunka.
Garsoore Cartan oo ka mid ah garsoorayaasha ugu magaca dheer qaaradda Afrika isla markaana ay aqoonsan tahay FIFA, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan bahda ciyaaraha, taageerayaal iyo boqolaal dadweyne ah oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin soo laabashadiisa.
Diidmada loo diiday inuu galo Mareykanka ayaa dhalisay falcelin ballaaran oo gudaha Soomaaliya ah, iyadoo dad badan ay arrintaasi u arkeen caqabad ku timid xirfadle Soomaaliyeed oo sumcad weyn ku leh garsoorka kubadda cagta heer caalami.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa dib u celinta Garsoore Cartan, haddana dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka uu saameeyay nidaamka xayiraadaha socdaalka ee uu hirgeliyay maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Isagoo la hadlayay warbaahinta kadib soo dhaweyntii loo sameeyay, Garsoore Cumar Cartan ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii wadaan dadaalka iyo rajada ay ka qabaan mustaqbalkooda.
“Soomaaliya dhammaanteen annagaa iska leh, haddii ay wanaag tahay iyo haddii ay caqabado jirto. Waxaan rabaa inaan dhallinyarada Soomaaliyeed u sheego inaysan waligood ka quusan dalkooda iyo himilooyinkooda,” ayuu yiri Cartan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore uga muujisay sida ay uga xun tahay caqabadda soo wajahday garsooraha, iyadoo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska sheegtay inay dadaallo diblomaasiyadeed la sameysay dowladda Mareykanka iyo hay’adda FIFA si xal loogu helo arrintaasi, balse aan lagu guuleysan.
Taageerayaasha kubadda cagta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku tilmaamay Cartan halyey matalaya kartida iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyagoo xusay in guulihiisa ay kor u qaadeen sumcadda Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah.
Garsoore Cumar Cartan ayaa sanadihii la soo dhaafay dhex dhexaadiyay kulamo waaweyn oo ka dhacay Afrika iyo caalamka, waxaana lagu tiriyaa inuu ka mid yahay garsoorayaasha ugu tayada wanaagsan ee Soomaaliya soo saartay.
Dhacdadan ayaa dib u soo celisay dood ku saabsan saameynta xayiraadaha safarka Mareykanka ee muwaadiniinta ka yimid wadamada ay dhibaatadu saameysey, gaar ahaan xirfadlayaasha iyo ciyaartooyda ka qeyb galaya dhacdooyinka caalamiga ah.




