PRETORIA, Koonfur Afrika – Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Mudane Aadam Isaaq, ayaa maanta si rasmi ah u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Koonfur Afrika, isagoo bilaabay howlaha diblomaasiyadeed ee uu ku matalayo Soomaaliya.
Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa qeyb ka ah habraaca diblomaasiyadeed ee lagu aqoonsado safiirrada cusub ee loo soo magacaabo dalalka saaxiibka ah.
Safiirka ayaa sidoo kale Madaxa Hab-maamuuska Dowladda Koonfur Afrika ku wareejiyay fariin rasmi ah oo ka timid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), taas oo ku socotay dhiggiisa Dowladda Koonfur Afrika.
Safiir Aadam Isaaq ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee shaqadiisa ay noqon doonto xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Safaaradda Soomaaliya ay xoogga saari doonto u adeegidda iyo difaacidda danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, kuwaas oo door muuqda ka qaata dhaqaalaha iyo ganacsiga dalkaasi.
Safiirka ayaa xusay in la xoojin doono adeegyada safaaradda si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan taageero iyo adeegyo diblomaasiyadeed oo hufan, iyadoo la ilaalinayo xuquuqdooda iyo danahooda.




