Wasaaradda Cadaaladda oo Nootaayooyin Cusub Ku Wareejisay Shahaadooyinkooda Rasmiga ah

0

MUQDISHO – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faysal Aadan Xasan, ayaa maanta furay munaasabad lagu soo dhaweynayay nootaayooyin cusub oo dhowaan lagu magacaabay Xeer Madaxweyne.

 

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Cadaaladda ayaa nootaayooyinka cusub lagu guddoonsiiyay shahaadooyinkooda rasmiga ah, si ay u bilaabaan gudashada waajibaadkooda iyo bixinta adeegyada nootaayonimo ee shacabka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda ayaa sheegay in magacaabista nootaayooyinkan cusub ay qeyb ka tahay dadaallada lagu ballaarinayo helitaanka adeegyada sharciyeed ee dalka, isla markaana bulshada loogu fududeynayo adeegyada ay bixiyaan nootaayooyinka.

Mudane Faysal Aadan Xasan ayaa sidoo kale kula dardaarmay nootaayooyinka cusub inay si hufnaan, daacadnimo iyo mas’uuliyad sare leh u gutaan waajibaadkooda, maadaama ay door muhiim ah ku leeyihiin xaqiijinta iyo sharciyeynta dukumentiyada iyo heshiisyada kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here